Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo jebisay xabad joojintii, duqeyna ka geysatay Lubnan

Milateriga israel ayaa duqeymo ka geysatay gudaha Lubnaan xili ay maalintii labaad socoto xabad joojinta ay la gashay Xisbullah

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay weerar ka fuliyeen xarun ay Xisbullah ku leedahay gudaha Lubnaan, kaddib markii ay arkeen dhaqdhaqaaq lagu diyaarinayo gantaallo oo xaruntaas ka socday

Weerarkan ayaa noqonayo markii labaad oo ay ka geysanayso Israa’iil gudaha Lubnaan, tan iyo markii shalay lagu dhawaaqay xabbad-joojin ay Israa’iil ka heshay inaysan la kulmin 24 saac ee la soo dhaafay wax weerar ah oo uga yimid dhinaca Lubnaan.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay Israel ka geysatay gudaha Lubnaan, mana jiro war ka soo baxay dowlada Lubnaan iyo kooxda Xisbullah.

Kumanaan Lubnaaniyiin ah oo ay barakiciyeen dagaalladii iyo duqeymihi ay ciidamada Isra’il ka wadeen Koonfurta Lubnan, ayaa bilaabay iney dib ugu laabtaan guryahooda, kaddib marki ay dhaqan gashay xabbad-joojintii la kala dhax dhigay Israa’iil iyo Xisbullah.

Iyagoo wata baabuur ay ku raran yihiin alaabahooda gaarka ah, isla markaana ka dhego adaygay digniino uga yimid ciidammada Lubnaan iyo Israa’iil oo ku baaqayay inay ka fogaadaan meelaha qaar, ayay dadkaan xalay ku hoydeen guryahooda oo ay intooda badani ay burburiyeen madaafiicda culus ee ay isu adeegsadeen dhinacyada dagaallamay.

Xabbad joojinta ayaa haddii ay sii waarto soo afjari doonta, ku dhawaad 14 bilood oo dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xizbullah.

Dagaalka ayaa billowday wixi ka danbeeyay 7-badi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Koonfurta Isra’il. Xisbulah ayaa maalintii ku xigtayba duqeymo ku billowday Waqooyiga Isra’il, halkaasoo Isra’il ay duqeymo iyo dagaal arrintaasi uga jawaabtay.

Hase yeeshee bartamihii bishii Sebtembar ayuu isu beddelay dagaal dhan walba ah, kaddib marki ay Isra’il weerar toos ah ku qaadday Lubnan, iyadoo duqeymo ay ku dishay qaar ka mid ah madaxdi sare ee Xizbullah oo uu ku jiray Xasan Nasrallah.

Inkasta oo uu heshiis xabad-joojin ah ka hirgalay Lubnan iyo Waqooyiga Isra’il, haddana waxaa wali socda dagaalka Gaza, halkaas oo ay Isra’il wali sii waddo madaafiicda ay ku garaaceyso Marinka Gaza.

Related posts

Dragos Tigau oo ka dhawaajiyay hadal meel ka dhac ku ah dadka Afrika iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade

Itoobiya oo War kasoo saartay afgambiga ka dhacay dalka Sudan

Cabdi Cade

Shiinaha oo afar dal oo kuyaala Qaarada Afrika ka sameesanaya saldhigyo Milatari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---