Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay kusoo bandhigay sargaal ay sheegeen in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab .

Sargaalkan lasoo bandhigay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Xasan ayaa watay qorey Ak-47, waxaana la sheegay in sargaalkan kahor inta uusan ciidanka isku soo dhiibin in uu xiriir lasoo sameeyay saraakiil katirsan ciidamada Koonfur Galbeed.

Saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay goobta ninkan kasoo goostay Al Shabaab lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan qof kasta oo kasoo baxa kooxda Al Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen in ay kasoo goosteen kooxda Al Shabaab, waxaana xubnahaasi soo goostay qaarkood la geeyay xarumo dhaqan celin ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -