Xog cusub oo laga helay dilka Jamal Khashogi & Sirdoonka Maraykanka oo War soo saaray

Waxaa sii kordhaya xogaha ku wareegsan qoraaga caanka ahaa ee dalka Sacuudiga Jamal Khashogi oo lagu waayey markii uu 2-dii bishan Oktoobar galay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul iyadoo saxaafadda Turkigu shaacisay warar cusub oo ku saabsan kiiska baaritaankiisu socdo.

Labada arrin ee ugu weyn ee kiiska ku soo kordhay ayaa ah in la shaaciyey muuqaallada iyo magacyada saraakiil Sacuudiyaan ah oo loo heysto inay mas’uul ka yihiin maqnaanshaha Qoraaga Jamal Khashoggi, isla markaana ka kooban yihiin 15 sarkaal oo laba diyaaradood isla maalintaas ku tegay magaalada Istanbul.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saraakiishaas ay qoraaga ku dileen Qunsuliyadda dhexdeeda, isla markaana ay jirkiisa jarjareen iyadoo amarkaasi uu ka yimid madaxda sare ee boqortooyada.

Arinta labaad ayaa ah in Xeer ilaaliyeyaasha Turkiga ay Sacuudiga ka dalbadeen inay baaraan guriga Qunsulka Sacuudiga magaalada Istanbul oo ku dhow xarunta Qunsulka, kaasoo looga shakiyey inay tageen laba gaari oo la tuhunsan yahay in Qoraaga uu ku jiray nolol ama geeri.

Sacuudiga oo ogolaaday in saraakiisha Turkiga ah ay baaraan Qunsuliyadda Istanbul ayaan weli bixin ogolaanshaha baaritaanka Guriga Qunsulka oo tuhunku saaran yahay, waxayna Turkiga ku adkeysanayaan in baaritanka labada xarun uu mar qura wada dhaco.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay iney qabteen wadahadal dhex maraya mas’uuliyiin Sacuudi ah oo ku saabsan in la soo xiro qoraaga Jamaal Khashog sida uu qoray Wargeyska Washignton Post.

Dhinaca kale, Gabadha u doonneyd suxufiga reer Sacuudi ee la waayey ayaa sheegtay inuu qabay cabsi ah inuu halis ku sugan yahay, hase yeeshee uusan ka wel-welin in dhismaha qunsuliyadda dhib lagu gaarsiin karay.

Hatice Cengiz, oo Turkish ah, ayaa wargeyska Washington Post ku qortay in gacaliyaheeda Jamal Khashoggi uu markii hore qunsuliyadda tagey 28-kii September, kadibna uu ku laabtay toddobaadkii tagey, markaasi oo uu lahaa ballan ku saabsan inuu kasoo qaato waraaqo uu u baahnaa si uu ayada u guursado. Jamaal dib looma arag markaas kadib.

Cengiz ayaa kalsooni ka muujisay awoodda mas’uuliiinta Turkiga ay u leeyihiin inay ogaadaan waxa dhacay, waxayna ugu baaqday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu gacan ka gaysto in la ifiyo waayitaanka suxufiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -