Mike Pompeo oo Booqasho Taariikhi ah ku tagay Magaalada Khartuum (Daawo Sawirro)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan, waxa uuna noqday masuulkii ugu sareeyay oo Mareykan ah oo 15 sano kadib dalkaasi taga.

Mike Pompeo ayaa Sudan ku tagay Diyaaradii ugu horeesay oo ka duusha Maamulka isra’il oo duulimaad toos ah ku tagta dalka Sudan, waxa ayna talaabadan gogol xaar u tahay heshiis la filayo in ay gaaraan Isra’il iyo dowlada Sudan.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in aan saarannahay duulimaadkii u horreeyey ee aan joogsi laheyn ‘NONSTOP’ ee si rasmi ah uga duula Israel kuna socda Sudan!” ayuu Pompeo ku qoray boggiisa Twitter-kiisa.

Xoghayaha arimaha Dibadda Mareykanka Pompeo ayaa la kulmi doona ra’iisul wasaaraha Sudan iyo madaxa golaha militariga ee xukunka haya inta uu ku sugan yahay Khartoum si uu ugala hadlo taageerada Mareykanka ee ku aadan dowlad rayid ah oo dalka hogaamisa

Dowlada Mareykanka ayaa ka shaqeeneysa sidii Isra’il heshiis ula gali laheyd qaar kamid ah wadamada Carabta, waxaana Isra’il dhawaan heshiis Taariikhi ah la gashay dowlada Imaraaadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -