Weerar Cir iyo dhul ah oo lagu qaaday Saldhig Al Shabaab joogeen iyo Saraakiil lagu dilay

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal gaadmo ah ka fuliyay deegaanka Daaru Salaam oo hoostaga degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay in Al Shabaab isku aruursanayeen.

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Danab ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in Weerarkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab , waxa uu sidoo kale tilmaamay in weerarkaasi Al Shabaab looga furtay hub kala duwan .

Taliyaha Danab ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiil iyo dagaalyahno katirsan Al shabaab oo ka baxsaday weerarka ciidamada Danab in lala beegsaday duqeyn dhinaca cirka ah oo khasaaro badan lagu gaarsiiyay.

Duqeynta ayuu sheegay taliyaha ciidaada Danab in lagu dilay ilaa 10-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab tiro kalana ku dhaawacmeen, waxa uuna sheegay in howlgalka ay ciidamada ka fuliyeen deegaanka Daaru Salaam guul weyn ka gaareen.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa kordhiyay weerada ay ku qaadayaan deegaanada iyo degmooyinka Al Shabaab maamulaan, waxa ayna ciidamadan oo gacan ka hela kuwa Mareykan ah fuliyaan howlgalo gaadmo ah .

 

- Advertisement -