Iskuulo waa weyn isku beddelay meel digaagga lagu xanaaneeyo (Daawo Sawirada)

Iskuulo badan oo kuyaala dalka Kenya ayaa la xiray kadib markii uu dalkaasi ku faafay cudurka Caronavirus, waxaana xiritaanka iskuuladaasi sababeen dhaqaalo daro lasoo daristay dadkii lahaa iskuulada qaar iyo macalimiintii wax ka dhigayay.

Dowlada Kenya ayaana shaacisay in iskuulada dalkaasi ay sii xirnaan doonaan inta laga gaarayo bisha Janaayo ee sanadka soo socda, waxaana go’aankaasi wel wel badan ku abuuray maamulayaasha iskuulada iyo Macalimiinta.

Iskuulka Mwea Brethren ee kuyaala bartamaha dalka Kenya ayaa hada isku bedelay goob lagu xanaaneeyo digaaga, waxaana fasalada iskuulkaasi hoy u noqdeen Digaaga si maamulka iskuulkaasi dhaqaale uga helo.

Fasalada kala duwan ee Iskuulka Mwea Brethren oo mar laga maqli jiray dhawaqa ardayda oo wax baranaysa casharana qaadaneysa ayaa hada waxaa kasoo yeeraya dhawaqa digaagga goobtaasi lagu xanaaneeyo.

Sabbuuradaha oo ay ku xardhanaan jirtay xisaabta, waxaa haatan ku qoran jadwalka tallaalka digaaga, waxaana macalimiintii iskuulkaasi bedelay shaqaale ka shaqeeya xanaaneenta Digaaga.

Maamulaha Iskuulka Mwea Brethren, Joseph Maina, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dantu ku qasabtay in iskuulkiisa u rogo goob lagu xanaaneeyo digaaga kadib dhaqaalo daro xoogan oo lasoo daristay.

Waxa uu sheegay Joseph in Xaaladdu ku xumaatay markii bishii March ee sanadkan iskuulada la xiray sababo la xariira Caronavirus , waxa uuna sheegay in lacago badan uu bangi deyn ahaan uga qaatay lagu lahaa kuna adkaatay bixintooda.

”Markii hore, waxay u muuqatay in wax walba aan weynay, balse “waxaan go`aansannay inaan wax uun ku sameyno iskuulka si aan ugu noolaanno”, ayuu Mr Maina u sheegay BBC-da.

Inta badan iskuulada kuyaala dalka Kenya ayaa wali xiran, waxaana jira iskuulo yar oo qaab Online ah ardayda wax ku bara iyaga oo guryhaooda jooga , iskuuladaasi ayaana lacago ka qaata ardayda Onlineka wax lagu baro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -