Qaar kamid ah Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo la xareeyay (Daawo Sawirada)

Guddiga farsamada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa galabta xerada Shiirkole ee magaalada Dhuusomareeb waxa ay ku xareeyeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Sida aan wararka ku helnay guddiga farsamada ayaa xareeyay 23-Oday oo kamid ah odayaasha saxiixayaasha ee soo xulaya Baarlamanaka cusub ee Galmudug, waxaana odayaashan ay yihiin kuwa jiritaankooda uusan muran badan ka jirin.

Guddiga farsamada ayaa sidoo kale la filayaa in Odayaasha harsan oo iyana 20-ka badan xareeyaan maalmaha soo aadan marka la xaliyo khilaafka ka dhax taagan odayaasha beelaha harsan.

Gudoomiyaha guddiga farsamada iyo maamul u sameynta ayaa sheegay in Odayaasha maanta la xareeyay ay yihiin kuwii saxda ahaa ee soo gudbisay Wasaarada arimaha gudaha , waxa uuna beeniyay in odayaasha qaar la badelay kuwa cusubna la qoray.

Odayaasha la xareenayo ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa u badan odayaashii horey usoo xulay Baarlamaankii lagu soo dhisay magaalada Cadaado, waxaana jira beelaha qaar oon ku qanacsaneyn saxiixayaashii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -