Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa goordhaw xaafada Siliga Ameerikaanka ee katirsan degmada Wadajir ku dilay nin Nabadoon ah oo caan ka ahaa aagaasi.

Sida aan wararka ku helnay Nabadoonka oo lagu magacaabayay Sheekh Cali Maxamed Cismaan ayaa lagu dilay goob ganacsi uu ku lahaa Siliga Ameerikaanka, waxaana dilka kadib goobtaasi ka baxsaday ragii ka dambeeyay.

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, ciidamada ayaana baaritaano ay sameeyeen ku guul dareestay in ay gacanta kusoo dhigaan dableydii dilkaasi fulisay.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan waxa akusoo badanaya falalka amaan daro ee isugu jira dilalka qorsheesan iyo qaraxyada , waxa ayna falalkan dhacayaan xili amaanka magaalada Muqdisho maalmahan si weyn loo adkeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -