Maraykanka oo laga dalbaday inuu Al-shabaab u kordhiyo duqeymaha dayuuradaha Droneska

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Somalia Maxamed Cali Xagaa ayaa ka dalbaday ciidamada Mareykanka iney kordhiyaan taageerada uu u fidiyo Soomaaliya iyo weerarada xagga cirka ee looga horjeedo kooxda Al-shabaab.

Xagaa oo wareysi siiyay wargeyska ka hadla arrimaha argagaxisada ee The Wall Street Journal ayaa tilmaamay in taageerada Mareykanka ay qeyb libaax ka qaadan karto dadaalka lagu burburinayo kooxda  Al-shabaab, isla markaana howlgalada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Dronska ay yihiin kuwo muhiim u ah  habka wax ku oolka ah ee taageeradaasi.

“taageerada Mareykanka la’aanteed cagahayaga kuma istaagi karno, qeybta Amniga Soomaaliya wali ma habeysna, waxaan u baahanahay weeraro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, sababtoo ah diyaaradaha ayaa beegsan kara madaxa Maska”. ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa.

Mr. Xagaa ayaa sheegay in taageerada Mareykanka uu saameyn doono ama jebin doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in weerarada cirka ee ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay qeyb ka yihiin nooc gaar ah oo waxtar leh.

Hadalada Wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli dowladda Mareykanka ay sheegeen in ay hakiyeen taageerada dhinaca raashinka, shidaalka iyo lacagihii gunada ee ay bixin jireen sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -