Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Iraq iyo Heshiisyo la saxiixayo

Madaxweynaha dalka Türkiga, Rajab Dayib Erdoğan ayaa maanta oo Isniin booqasho taariikhi ah ku tagaya dalka Ciraaq , isagoona kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda dalkaasi ugu sarreysa.

Magaalada Bagdaad ayaana laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga iyo wafdiga la socda , waxaana la adkeeyay ammaanka goobaha uu tagayo Erdogan.

Warar soo baxaya ayaa sheegay inay madaxda Iraq iyo Turkiga ay kala saxiixan doonaan in ka badan 20 Heshiis oo khuseeya dhinacyada ammaanka, tamarta, beeraha, qeybsiga biyaha, tacliinta, caafimaadka, soo-saarista shidaalka iyo amniga gobalka.

Madaxweyne Erdoğan ayaa tagi doona magaalladda Erbil, isagoo madaxda maamul-gobaleedka Kurdistan ee waqooyiga Iraq kala hadli doona dhoofinta shidaalka Kurdishka, arrimaha qeybsiga biyaha webiga, amniga xuduudka, horumarinta waddooyinka iyo mashruuca khadka tareenka oo isku xirayo koonfurta Iraq ilaa xuduudka dalka Turkiye.

Safarka Madaxweynaha dalka Turkiga ku tagayo dalka Ciraaq ayaa noqonaya kii labaad uu dalkaasi ku tago, waxa uuna horey Bagdaad u tagay sannadkii 2011-kii, isagoona xilligaasi lasoo kulmay madaxdoo Iraq ka talineysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -