Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Xudur (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go’doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgarad, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gen. Saadaq Joon oo garab ka helay Farmaajo iyo loolan adag oo ka taagan Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Xamse Barre & wafdi uu horkacayo oo dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

Xildhibaanadda labada Aqal oo ka dooday xisaab xirka sannad miisaaniyeedkii …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---