Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Thomas Waldhauser: “Waan kordhineynaa Weerarada aynu ku heyno Al-shabaab”

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee hawlgalada Afrika Thomas Waldhauser ayaa sheegay in aysan marna hakin doonin weerarada dhanka cirka ah ay ku qaadaan dagaalayaasha al-Shabaab.

“Ciidamada Mareykanka way sii wadi doonaan iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab” ayuu hadlkiisa sii raaciyay taliyaha ugu sareeyo ciidamada Mareykanka ee hawlgalka AFRICOM.

Mr Thomas ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay gudiga Senetarada Mareykanka u qaabilsan difaaca isagoo u sheegay in weerarada dhanka cirka ah ee al-Shabaab ku qaadaan aysan ka dhigneyn inay ka adkaadeen balse ay tahay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed laga caawiyo sidii ay masuuliyada amaanka ula wareegi lahaayeen.

Mareykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyay kordhiyay weerarda dhanka cirka ah ee al-Shabaab uu ku baacsado kuwaasoo  lagu dilay boqolaal dagaalyahan oo kooxdaas ka tirsan sanadihii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xaalad adag oo ka taagan degaanada dagaaladu ka jiraan ee Gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag kasoo saaray in laga hor istaago Banaan baxa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---