(Sawirro) Cali Daahir Ciid iyo Wafdi la socday oo booqashadii ugu horeysay ku yimid Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho.

Cali Daahir Ciid ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan labadda Golle ee  Dowladda Federaalka, Xildhibaano Galmudug ka tirsan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda Dowladda Federaalka, Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waana socdaalkii ugu horeeyay ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug uu ku yimaado caasimadda tan iyo markii xilkan loo doortay dhowr bilood ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -