Barxada baarkinka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo xariga laga jaray (Sawirro)

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xariga ka jartay barxada baarkinka Airport-ka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho .

Munaasabadda xarig jarka oo ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir, masuuliyiin katirsan dowladda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Barxadan loogu tala galay in la dhigto gaadiidka galaya garoonka Aadan Cadde ayaa aheyd mid baahi weyn loo qabay , waxaana la filayaa in uu xal u noqdo baakinkan cusub saxmada badan ee ka jirtay garoonka .

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan horey u laheyn baarkino rasmi ah oo loogu tala galay in gaadiidka la dhigto, waxaana gaadiidka gudaha garoonka gala la dhigi jiray goobo aan sax aheyn oo cariiri keena mararka qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -