(Sawirro) Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulamo xasaasi ah ku leh Garoowe

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe ayaa kulamo la leh madax maamulka Puntland.

Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa uu kulamo lagaga hadlayo Xaalada Dalka ee Siyaasada Amniga iyo Horumarka uu la yeelan doona Masuuliyiinta Puntland.

Labada hogaamiye ayaa wada dedaal wadajir ah oo ay isaga qafiifinayaan culeys xoogan oo ka soo wajahay wakiilada beesha caalamka u qaabilsan Somalia oo ka carooday markii ay diideen ka qeyb galka shirkii Dhuusamareeb 3.

kulamo xasaasi ah oo arrintan la xiriirta ayaa la sheegay iney haatan Garowe uga socdaan labada hogaamiye, kuwaasoo marka ay soo dhamaadaan laga soo saarayo war wadajir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -