Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dab qabsaday Suuq ku yaalla Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Dab ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow oo barqadii ah ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa loo yaqaano Suuq bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan dabka ayaa saameeyey Suuqa Miijiska oo ka mid ah Suuq bacaad, waxaana jira khaasare ka dhashay dabkaas oo hor leh ku sii baahaya sida wararku sheegayaan.

Waxaa goobtaas gaaray gaadiidka dab demiska iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir oo haatan la tacaalaya deminta dabkan.

Shacab fara badan ayaa sidoo kale gaaray suuqa kuwaasoo qaarkood ka qeyb qaadanaya sidii loo bakhtiin lahaa dabkaas oo baabi’iyey goobo badan oo ganacsi.

Lama oga weli sababta dhalisay dabkan balse waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamada amaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

La soco wixii ku soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Jabuuti oo dhaqaale aan caadi aheyn ugu deeqday dadka ku barakacay fatahaadaha

Caydiid Ali

Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland oo goor dhow doortay Gudoomiye cusub

Caydiid Ali

Madaxweyne Uhuru Kenyata oo Masjidka Nairobi kula afuray Muslimiin fara badan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---