Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Uhuru Kenyata oo Masjidka Nairobi kula afuray Muslimiin fara badan (Sawirro)

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa caawa tegay Masjidka Jamia Mosque ee magaalada Niarobi, isagoo muslimiinta kala qeyb galay afurka  isla markaana halkaasi kula hadlay bulshada muslimiinta Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo talada haya dalka Kenya Masjid gala, waxaana la guddoonsiiyey kitaab quraan ah, wuxuuna dadka Kenya ugu baaqay inay midoobaan iyagoo aan eegin waxyaabaha kala qeybinaya, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya taageero gaara siineynin qeyb ka mida bulshada.

Mr Kenyatta oo uu wehliyey Adan Barre oo ah hoggaamiyaha aqbaliaydda Baarlamaanka Kenya ayaa muslimiinta Kenya ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda oo gacan ku siiyaan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada Masar oo qaadatay go’aan culus oo lama filaan iyo dharbaaxo ku noqday Israel

Caydiid Ali

Saameyn intee le’eg ayuu reebay qaraxii Zoobe Masa bedelay Taariikhda Soomaaliya !!

admin

Guddoomiye ku-xigeen hore oo isku dhex dilay Xarun dowladeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---