Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo dhaqaale aan caadi aheyn ugu deeqday dadka ku barakacay fatahaadaha

Dowlada Jabuuti ayaa dhaqaale gargaar ah ugu deeqday dadka fatahaaduhu ku saameeyeen qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa guddiga fatahaadaha ku wareejisay lacag dhan 100 malyuun (Boqol malyuun) oo faranka Jabuuti ah una dhiganta 600’000$(Lix boqol oo kun oo doolar.

Jabuuti ayaa tabarucaadda waxaa ay uga qeyb qaadanee gurmad toos ah oo loo fidinayo dadka fatahaaduhu saameeyeen, sida u fidinta adeegyo caafimaad, samata bixinta dadka ku go’doonsan meelaha qaar iyo agab kale oo la siinayo dadka ku barakacay fatahaadda.

Waxaa weli socda gurmadka ay ku deeqayaan dalalka saaxiibka la ah Somalia, heyadaha gargaarka iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed si loo gaarsiiyo kumanaan qof ee daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Oslo oo xog cusub ka soo saaray wiil Soomaali ah oo halkaas lagu dilay

Caydiid Ali

Facebook oo shaacisay War ka nixiyey malaayiin ka mid ah Macaamiisheeda

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca oo Imaaraadka xog ka siiyay Baaritaanka weerarkii Xerada Jen. Gordan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---