Maraykanka oo Farmaajo ku eedeeyey inuu Somalia ka abuuray xiisad siyaasadeed

Mareykanka ayaa si aan gabasho laheyn ugu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xiisad siyaasadeed dalka ka abuuray markii isaga iyo baarlamaanka ay rideen xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna arintaas ku sifeysay khalad weyn oo siyaasadeed.

Cherith Norman Chalet oo ah Ku-xigeenka ergeyga Mareykanka ee Q/Midooay oo khudbad ka jeedisay shirkii Golaha Amniga ee xaaladda Soomaaliya ayaa waxay si cad ugu sheegtay in ay nasiib-daro ahayd, tallaabadii Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha shacabka ku rideen xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre taasoo bay tiri dalka ka abuurtay xiisad siyaasadeed oo aan loo baahneyn.

“Madaxweynaha iyo Golaha hoose ee Baarlamaanka waxay kalsoonida kala noqdeen xukuumadii hore bishii July, taasoo aheyd Nasiib-darro, kaliyana dhalisay xiisad siyaasadeed, Waxaan ka walaacsanahay inay tallaabadaasi maja-xaabiso wadahadalkii u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo maamul goboleedyada” ayey khudbadeeda ku tiri Cherith Norman oo mowqifka dowladda Mareykanka halkaasi ka caddeysay.

Waxay kaloo sheegtay in loo baahan yahay doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu wada qanacsan yahay, tallaabo kasta oo dib loogu dhigo doorashada ama la daahiyana ay keeni karto halis aan la saadaalin karin waxa ka dhalan kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -