Ganacsade diiday in kursiga Xildhibaanimo Uga tanaasulo Senator Abshir Bukhaari

Waxaa fashil ku dhamaaday kulan lagu wada hadashiisiin rabay Sanetar Abshir Bukhaari iyo Ganacsade Ahmed Dalhage oo ujeedkiisu ahaa sidii Ahmed Dalhage looga dhaadhicin lahaa inuu ka haro tar-tanka xildhibaanimo ee 2020 oo muddo badan uu ku hoowlanaa.

Ganacsade Ahmed Dalhage ayaa la ogyahay inuu xiriiro toos ah la leeyahay siyaasiyiinta dalka gudihiisa gaar ahaan madaxda federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo uu garab istaagnaa doorashooyinkii ka kala dhacay Cadaado 2016 iyo Dhuusa Mareeb 2020.

Gudoomiye Abshir Bukhaari oo culeys xoogan uu ka heysto dhanka odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxamed Cabdi uu kursiga kumatalo gaar ahaan jufadiisa hoose ee Reer Warsame oo mudo badan kacdoon isaga looga soo horjeedo ka dhex socday kadib markii uu kufashilmay inuu ugu yaraan wax u qabto deegaankii laga soo doortay ayaa sababay in gogol uu kudoonayay inuu Beesha iyo Ahmed Dalhage ku qanciyo oo Xamar uu dhigay loo imaan waayay, kadibna uu ku baraarugay heerka uu ka joogo beesha dhexdeeda kadibna safar deg deg ah ugu baxay Nairobi si uu Ahmed Dalhage ugu qanciyo inuu oga-haro kursiga kuna qanciyo shaqooyin kale.

Sanetar Bukhaari oo kaashanaya qaar kamid ah waxgaradka beesha iyo dadka ku dhow-dhow Ahmed Dalhage ayaan ku ogaanay inuu ku guul dareestay in uu la kulmo Bukhaari asagoo ku andacoonaya inuu waqtigii Abshir dhamaaday iyo inaysan Abshir u oolin waji uu hormarsaday oo sababi karay inay kulmaan ama Abshir ku hamiyo inuu Beesha Maxamed Cabdi markale sii matalo, Taas oo Abshir Bukhaari kunoqotay waji gabax iyo inuu ogaaday halka kala fogaan-shaha eey kala joogaan asaga iyo Dalhage oo markii horeba aysan jirin  saaxiibnimo hore oo kadhaxeysay.

Siyaasiyiin badan ayaa hada kusoo baraarugay in ay lumiyeen kalsoonida beelaha ay ku matalaan kuraasta ay ku fadhiyaan, waxa ayna siyaasiyiintaasi qaarkood bilaabeen in ay raadiyaan waxgaradka beelaha ay kasoo jeedaan iyo shaqsiyaadka ay uga cabsi qabaan in tartan adag kala kulmi karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -