Maamulka G/Banaadir oo ansixiyay Miisaaniyad u gaar ah Sanadka 2020 (Sawirro)

Dhawaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Guddi gaar ah in ay soo diyaariyaan Qorshah Maamulka iyo Miisaaniyadda sanadka 2020 ga ee ku aadan Caasimadda Muqdisho.

Kulan maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Md: Cumar Maxamuud Maxamed ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha iyo Miisaaniyadda sanadka 2020 iyadoo ay kulankaaasi qayb ka ahaayeen Guddoomiye Xigeenada Gobolka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha guud, Agaasime Waaxyada iyo la taliyaal dhoowr ah waxaana looga dooday Qorshaha horumarinta Gobolka iyo Miisaaniyadda sanadka soo socda.

Qorshaha uu Maamulka Gobolka soo bandhigay maanta ee looga dooday shirka wadatashiga ayaa waxa uu ka koobanyahay 6 tiir oo waawayn oo kala ah

1. Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda
2. Horumarinta adeegyada Bulshada
3. Dib u dhiska
4. Horumarinta Dhaqaalaha
5. Dib u habaynta Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar
6. Maamul wanaagga

Sidoo kale waxa iyana shirka maanta looga dooday Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose iyadoo dood dheer ka dib lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo sandkaan noqonayso $32,977,123 oo ah ku talagalka sanadkaa. Miisaaniyadaan ayaa aadi dootno qaybaha Mushaaraadka shaqaalaha, dib u dhiska magaalad, ADeegyada bulshada, iibka Agabka iyo kharaashaadka la xiriira maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay xeritaanka shrika ayaa sheegay in xilligaani ay muhiim tahay in Maamulka Gobolka la yimaado qorshe cad ee uu ku hagaayo horumarka magaalada Muqdisho waxa uuna balanqaaday in loo istaagi doono fulinta halbeegyada horumarineed ee loo dajiyay sanadka cusub in la fuliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -