Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye hore iyo dad kale oo horkacayay banaan baxii saakay dhacay oo la xiray

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay fashiliyay banaan bax ay soo abaabuleen mucaaradka dowlada federaalka Soomaaliya oo looga soo horjeeday mudo kororsi la sheegay in dowlada hada jirta ay damacsa tahay.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidamada booliiska ay xireen qaar kamid ah dadkii hor kacayay banaan baxa saakay ka dhacay fagaaraha daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Dadka la xiray waxaa ku jira gudoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis Cusmaan Muxudiin Cariif oo kamid ahaa dadkii hor kacayay dadka banaan baxa dhigayay, waxaa sidoo kale booliiska xireen dad kale oo iyana hor boodayay banaan baxa.

Ciidamada booliiska ayaa rasaas culus u adeegsaday sidii loo kala eryi lahaa dadka isugu soo baxay in ay dhigaan banaan baxa looga soo horjeeday dowlada gaar ahaan qorshaha Madaxtooyada mudada ku kororsaneyso.

Waxii warar ah ee usoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Liyuu boolis oo gacanta ku dhigay 40 bastooladood iyo raggii watay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo War kasoo saartay Howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in DF hakisay Duulimaadyadii tegi lahaa Boosaaso?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---