Waxaa maanta duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka qabsoomay shirkii toddobaadlaha ahaa ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada, waxaana shirkan maanta looga hadlay arrimo dhowr ah.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa shir-guddoomiyay kulankaas oo ka dhacay duleedka magaalada. Tani waxay muujinaysaa in amniga magaalada Kismaayo iyo deegaannada ku xeeran uu yahay mid lagu kalsoonaan karo.
Dowladda Hoose ee degmada Kismaayo, oo door muhiim ah ka qaadanaysa arrimaha horumarka, ayaa soo bandhigtay waxqabadyo dhowaan la hirgeliyay. Waxaa ka mid ah waddooyin dhowr ah oo dib u dayactir lagu sameeyay, kuwaas oo qaarkood dib loo furay, dhiraynta waddooyinka laamiyada cusub, sare u qaadidda nadaafadda guud ee magaalada, iyo tallaabooyin lagu yareynayo isticmaalka bacaha, kuwaas oo dhibaato ku ah deegaanka.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta amniga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo wacyigelinta bulshada si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.
Waxaa la farayaa guud ahaan bulshada in aysan qaban shirar gooni-gooni ah gudaha magaalada sida hoteellada, guryaha, beeraha, tuulooyinka, iwm, iyada oo aan oggolaansho laga haysan hay’adaha amniga.
Waxaa sidoo kale la farayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo amniga guud oo magaalada Kismaayo u horseeda horumar waara.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com