Ciidamada difaaca maamulka Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa weerar isugu jira cir iyo dhul waxa ay maanta ku qaadeen xubno firxad ah oo katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo ku sugnaa deegaanka Guryasamo ee kuyaalla togga Miraale.
War kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland, ayaa lagu sheegay in ciidamada weerar dhinaca dhulka iyo cirka isugu jira ku qaadeen xubno badan oo katirsanaa firxad Daacish, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in howlgalka khasaaro badan lagu gaarsiiyay kooxda.
“Ciidanku waxay maanta ku jiraan hawlgal Cirka iyo Dhulka ah oo firxadka Argagixisada Daacish, looga sifeynayo deegaano u dhow Gurysamo oo ka tirsan Calmiskaad” ayaa lagu sheegay Bayaanka oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Taliska ciidamada difaaca Puntland.
Ciidamada Puntland , ayaa wali buuraha Calmiskaad kawada howlgallo balaaran ay kusoo afjarayaan kooxda Daacish ee ku sugan buurahaasi, howlgalka ayaana qaaday dhoor bil, waxa ayna ciidamada wali isku dayayaan sidii loo soo afjari lahaa haraadiga Daacishta ajaaniibta u badan.
Howlgalkan , ayaa imaanaya xilli maamulka Puntland dhawaan soo iibsadeen dhoor diyaaradood oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, diyaaradahan ayaana dhinaca cirka ka weeraraya Daacish, waxa ay sidoo kale ciidanka siinayaan taageero dhinaca hawada ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com