Ciidamada booliiska Jubbaland ee ka howlgala magaalada Kismaayo, ayaa gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu ahaa mukhalas, kaa oo doonayay in afar gabdhood u tahriibiyo Yurub isaga oo dalal kale sii marsiinaya.
War kasoo baxay taliska booliiska Jubbada Hoose, ayaa lagu sheegay in ciidamada gacanta ku dhigeen ninkan mukhalaska ah ee gabdhaha tahriibinayay, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan baaritaanno lagu sameenayo lana horgeyn doono sharciga.
”Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay nin mukhalas ahaa iyo afar hablood oo uu doonayay inuu ka tahriibiyo magaalada Kismaayo, si ay u gaaraan dalalka Yurub. Marka uu dhammaado baaritaanka ninkan uu wajihi doono caddaaladda, si maxkamadda awoodda u leh go’aan uga gaarto” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Magaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale oo dalka kuyaalla ayaa kooxo mukhalasiin ah waxa ay ka tashkiiliyaan dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaa oo markii dambe loo gacangeliyo magafayaal Liibiya ku sugan, kuwaa oo jirdil xooggan u geesta dhallinyarada kana qaata lacag madax-furasho ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com