Saraakiil iyo Ciidamo loo xiray weerarkii ka dhacay Xeebta Liido iyo Baaritaano socda

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al Shabaab ku qaadeen hotel kuyaala xeebta Liido.

Saraakiisha iyo ciidamada la xiray ayaa ahaa kuwii ka sugnaa baraha koontarool ee laga ilaaliyo xeebta Liido, waxaana la sheegay in loo heesto qaabka ay Xeebta Liido ku gaareen gaariga qaraxa waday iyo dableydii hubeesneyd ee weerarka geestay.

Xeebta Liido ayaa waxaa yaala koontaroolo laga galo marka ay dadka iyo gaadiidka tagayaan xeebtaasi, waxaana la isweediinayaa sida sahlan uu koontaroolada uga gudbay una gaaray gaariga qarxay xeebta Liido.

Saraakiil katirsan ciidanka booliiska iyo Nabad sugida ayaa wada baaritaano ku aadan weerarka ka dhacay Hotelka Ellite ee kuyaala Xeebta Liido, waxaana wararku sheegayaan in saraakiisha iyo ciidamada xiran su’aalo laga weediiyay sida qaraxa ku gubbay.

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxaa sidoo kale wadooyinka qaar yaala Koontaroolo adag oo loo diido gaadiidka shacabka in ay ka gudbaan , hadana waxaa xusid mudan in baabuurta qaraxyada wada meelaha qaar si fudud uga gudbaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -