Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo loo qabtay shir arrin muhiim ah looga hadlayay

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS, Md. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta Shir Guddoomiyey kulan wadatashi ah oo loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta dalka oo looga hadlay Tilmaamaha la xiriira isticmaalka hirarka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Xildhibaan Md Xuseen Axmed Culusow, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Wakiillo ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Wasiirka Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyadda oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay….”Tilmaamaha la xiriira isticmaalka hirarka waxa ay muhiim u tahay horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta Dalka”……

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa 9-ka Bishii Oktoobar 2023 si rasmi ah u daahfurtay Xarunta Kormeerka Hirarka taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

 

Related posts

Shirqool lagu afduuban lahaa laguna dili lahaa Madaxweyne Zelensky oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Baledweyn kula shiray Wakiillo ka socday Q/M (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Danjire Maxamed Ibrahim (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---