Weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite oo la shaaciyay in loo fududeeyay Al Shabaab

Weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay hadal heyn badan oo dhinaca amaanka gaar ahaan in loo fududeeyo dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarada ay fuliyaan.

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in uu muuqdo weerarkii ka dhacay Xeebta Liido ee lagu qaaday Hotelka Elite mid loo fududeeyay gaarigii qaraxa geestay iyo dableydii weerarka tooska ahaa fulisay.

Waxa uu sheegay Yuusuf Indha Cadde in Xeebta Liido yaalaan koontaroolo laga ilaaliyo amaanka, waxa uuna xusay in isaga oo wata gaadiid dagaal xitaa uusan si fudud halkaasi ku gaari karin uuna maro hubin .

”Waa loo fududeeyey in gaarigaas uu meesha tego waa lala shaqeeyey si kale oo ku dhici karto maleh, aniga baabuur Cabdi Bile ah oo Nashiike saaran yahay ayaan la socdaa baabuurkeyga ciidan ayaan saaran waa la’ii celiyaa, waana la’iibaaraa ID Card ayaa la’ii weydiiyaa, Indha Cadde saaran xitaa lama yeelo marka si kale kuma tegi karo gaarigaas in loo fududeeyey uun ayuu ku tegay hotelkaas.’’ ayuu yiri Janaraal Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale sheegay in Al Shabaab xiligan awoodaan in meeshii ay doonaan ka fuliyaan weeraro, waxa uuna sabab uga dhigay in laga gaabiyay dagaalkii kooxdaasi lagula jiray iyo sidoo kale isla xisaabtan la’aanta ka jirta Hay’addaha amaanka.

Waxa uu sheegay Yuusuf Indha Cadde in weerarada Al Shabaab lagu yareyn karo kaliya in marka hore laga ilaaliyo hay’adaha dowlada in ay soo dhaxgalaan iyo in sidoo kale la bilaabo weeraro kooxdaasi lagu qaadayo goobaha ay joogaan.

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido oo kamid ah goobaha sida weyn amaankeeda loo ilaaliyo ayaa keentay in wax badan la iska weediiyo amaanka caasimada iyo sida ay ku suurto gashay in gaari qarax wada ka gudbo baraha koontarool .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -