Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo been abuur ku tilmaamay qorshe ay sheegeen Mucaaradka in uu damacsan yahay

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay hadalo kasoo yeerayay siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda ee ah in uusan dooneyn in doorasho qabsoonto uuna damacsan yahay muddo kororsi.

Muuse Biixi oo hadal u jeediyay odayaasha iyo bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa beeniyay in uu qorsheenayo muddo kororsi, waxa uuna cadeeyay in doorashada Madaxweynaha Somaliland dhaceyso waqtigii loo qorsheeyay.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in doorashada horey loogu heshiiyay in ay qabsoonto bisha November, waxa uuna cadeeyay in heshiiskaasi uu wali taagan yahay ayna doorashada ku dhici doonto waqtigaasi sida uu tilmaamay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay sababta maamulkiisa banaan baxa ugu diideen xisbiyadda mucaaradka, waxa uuna sheegay in aysan diidaneyn mudaharaad sharci balse muhiim tahay in la ilaaliyo amniga loona soo maro banaan baxa sifo sharci ah.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee xisbiyadda Waddani iyo UCID tuhmayaan in madaxweynaha rabo muddo kororsi iyo in doorashada dib loo dhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan: “Waa in Israel lagula xisaabtamaa dembiyada dagaal ee ay geysatay”

Caydiid Ali

Maxkamada Schweinfurt oo la soo taagay haweeney Soomaali ah oo ilmaheeda dishay

Caydiid Ali

Farmaajo oo daah-furay Qorshe Saldhig u ah Geedi socodka dowlada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---