Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Guri kuyaala Muqdisho

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday guriga mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in gurigiisa uu ka maqnaa markii uu weerarka dhacayay, bartilmaameedkuna uu isaga ahaa, balse ay ku dhinteen afar ka mid ah ilaaladiisa oo guriga joogtay.

Waxa uu intaas ku daray in weerarku dhacay waxyar ka dib markii uu guriga ka baxay, balse daqiiqado kadib ay xaaskiisa ku soo wargelisay Ciidankii uu kaga tagay guriga in laga dhigay wax la dilay iyo wax la dhaawacay.

“Salaadii maqrib kadib aniga gurigeyga ayaan ka tagay, waxaan guriga uga tagay Afar wiil, ilmaheyga iyo xaaskeyga, meesha gurigeyga uu ku yaallo waa ciriiri, laamiga markaan imid ayaan gaari soo raacay, waxaan tagay agagaarka KM4, wax yar ka dib ayaa xaafada waxaa iga soo wacday xaaskeyga oo aan hadalkeeda fahmi waayay, dadkii way dhamaadeen ayay igu tiri, waan soo cararay, waxaan u imid laba meyd ah iyo laba dhaawacoodu halis ahaaa oo markii dambe Isbitaalka ku geeriyooday,” ayuu yiri sarkaalkan oo VOA-da la hadlay.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkan, iyadoo Idaacadda Andalus oo afkooda ku hadasha ay baahisay howlgal ay ka fuliyeen xaafada Sei-biyaano inay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidanka sida gaarka u tababaran ee Gaashaan iyo afar ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya xili uu sii xumaanayo amaanka magaalada Muqdisho oo habeen walba ay joogto ka noqdeen dilal iyo weeraro ay geystaan dabley ka tirsan Al-Shabaab, waxaana muuqata habacsanaan ka dhex jirta Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -