Puntland oo joojisay kulan ka dhan ah Imaaraadka oo ka dhici lahaa Garowe

Maamulka Puntland ayaa joojiyay kulan xalay ka dhici lahaa Hotel ku yaalla Magaalada Garowe kaasoo ku saabsanaa dood mowduuceedu ahaa “Damaca Imaaraadka iyo kala daadsanaanta Soomaaliya”

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa tagay goobta, waxayna guddiga qabanqaabada ku amreen inuusan jirin wax kulan ah, waxayna ciidanka qaateen warqadihii ajendaha iyo casuumaadda.

Sababaha shirkan loo joojiyay ayaa waxaa lagu sheegay inuusan maamulka ka warqabin kulankan iyo waxaa looga hadli lahaa, hadda ka horna uu maamulka sheegay in ay muhiim tahay ka warqabista kulamada ka dhacaya gudaha magaalada.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabisay dhalinyaro reer Puntland ah, waxaana maamulka uu u arkay in looga soo horjeedo taageeradii Madaxweyne C/wali Gaas siiyay Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland oo maalmo ka hor ka soo laabtay Magaalada Abu Dubai ayaa sheegay ka maamul ahaan ay taageersan yihiin Imaaraadka oo aysan jirin cid ay ku doorsadaan.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili uu mudooyinkan sii xumaanayey xiriirka dowlada federalka iyo Imaaraadka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -