Raisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga Qaranka (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay  kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed halkaasoo uu kula kulmay masuuliyiin iyo saraakiil ay ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, asluubta iyo Nabad sugida, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Kheyre, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa wuxuu ku arkay Saraakiil iyo Ciidamo Booliis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay ugu qayb qaadan lahaayeen  amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Sidoo kale, Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa xarunta Booliska waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo Ciidanka ammaanka faray inay gacan bir ah ku qabtaan  nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir  ayna u naxariistaan dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada ka qayb qaadanaya sugidda amniga caasimadda, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan oo inta badan Al-shabaab ay kordhiyaan weerarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -