Fashil ku yimid Qabsoomida kulan loogu daneyn lahaa Farmaajo iyo Sababta keentay

Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Allbanaadir, waxaa guul darreystay qabsoomidda Kulankii ugu horreeyay ee ay yeelan lahaayeen xubnaha guddiga ka baaraan degaya talooyinka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka, oo qorshuhu ahaa in maanta uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
 
Xubnihii ay soo magacaabeen dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa diiday inay Muqdisho yimaadaan kadib casuumaad uu u fidiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo wakiil ka ah madaxweynaha.
 
 Villa Somalia oo ku dadaaleysa in guddigu uu ka shaqeeyo qorsha mudda kororsi ah ayaa dadaal dheeraad ah u gashay inay ku qanciso Puntiland iyo Jubaland in xubnaha guddiga ay Muqdisho u soo diraan si xubnaha loogu yeeriyo talooyinka uu madaxweynuhu doonayo in lala shir tago hase yeeshee labada dowlad gobaleed ayaa gaashaanka u daruuray, waxayna dalbadeen in shirka guddigu uu Dhuusamareeb ka qabsoomo hadii la doonayo in uu noqdo kulan loo dhanyahay.
 
Ila wareedyada aan la hadalnay ayaa noo sheegay in xubnaha kale ee ay soo magacaabeen dowladda dhexe, gobalka Banaadir iyo dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay maanta isugu yimaadeen hotel Decale hase yeeshee shirkii uu furmi waayay maadaama xal kasta oo la isku dayay uu guul darreystay.
 
 Maxaa Puntiland iyo Jubaland kaliya shirka u diideen?
 
 Madaxweynayaasha hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo siyaabo kala duwan Muqdisho u yimid kadib kulankii Dhuusambeeb ayaa mid waliba oo kamid ah waxuu la kulmay safiirka aan caadiga aheyn ee Qatar, waxaana warar soo baxay ay sheegayaan in sedaxda madaxweyne laga geday inay taageeraan qorshaha muda dheerenyta ah ee Madaxeyne Maxamed Cabullaahi Maxamed (Farmaajo), warar kalana waxay sheegayaan in caga jugleyn loogu deray oo loo sheegay inay ku quus qaataan wixii ku dhacay Ra’iisul Wasaare Khayre oo diidanaa damaca Villa Somalia.
 
Si kasta, in maanta xubnaha guddiga ka baaraan degaya talooyinka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka ee ay soo magacaabeen sedaxda maamul gobaleed ee madaxweynayaashoodu la kulmeen safiirka Qatar ee Soomaaliya, waxay muujineysaa in iibinta damaca mudo kordhinta iyo fashilinta shirka.
 
 Dhuusambeeb 3 uu xoogeysanayo, inkasta oo beesha caalamku ay horay uga digtay isku dayga aan dastuuriga aheyn ee sababi kara qalalaase.
 
 Ballantii Dhuusamabeeb oo soo dhawaatay iyo diyaar garow la’aan Muuqata
 
 Shirka Dhuusambeeb 3, waxaa la qorsheeyay inuu dhoco August 15, 2020, hase yeeshee waxaa ballantu aheyd in kahor ay guddiga ka baaraan degaya talooyinka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka ay kasii shaqeeyaan dhammaan waxyaabaha la doonayo in kulankaas heshiiska looga gaaro oo ay ugu weyntahay sida ay doorashada dalku u dheceyso.
 
Saas oo ay tahay, ma muuqato saasaan wanaagsan maadaama aan wali guddigii kulan yeelan hadana aan loo jeedin fursad ay isugu imaan karaan maadaama ay Villa Somalia ku adkeysaneyso in kulamada guddigu ay Muqdisho ka dhacaan oo dhammaan waxa la doonayo in la geeyo shirka Dhuusamareeb looga dhigo wax aan ka hor imaaneyn qoshaha dheereynta waqtiga uu xafiiska joogayo madaxweyne Farmaajo.
 
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa dhowr jeer waxuu ku celiyay inay lagama maarmaan tahay in doorasho xilligeeda ku dhacdo si looga baaqsayo khalkhal siyaasadeed iyo mid amni taas oo sababtay in Madaxweyne Farmaajo oo horay ugu faani jiray in khilaaf uusan dhex mari doonin uu ku dhiirado belediisa maadaama uu laf dhuun gashay ku noqday baadi goobka loogu jiro sidii uu villa Somali baaqi ugu sii ahaan lahaa kadib dhammaadka xilliga dastuurka ku cad oo afar sano ah kuna eg February 08, 202
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -