Qaramada Midoobay oo Walaac ka muujisay isku day uu sameeyay Gudoomiye Mursal 

Qoraal kooban oo kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa walaac xoogan looga muujiyay isku ay sheegeen in Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal miiska kusoo saaray sharci cusub oon sax aheyn.

Qaramada Midoobay ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Gudoomiye Maxamed Mursal miiska soo saaray shirci aan sax aheyn oo ogolaanaya sida ay tilmaameen guurka caruurta kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah.

”Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu booriyay golaha wasiirrada Xukuumada Soomaaliya in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah.

Qaramada Midoobay warkan kasoo baxay ayaa kusoo aadaya xili maanta Xildhibaanada golaha shacabka ay diideen in ay ansixiyaan Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada oo maanta Baarlamaanka la horeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -