Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Dowladaha Somalia iyo Kuwait oo qalinka ku duugay heshiis iskaashi

Wasiiru dowlaha ahna Sii hayaha Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowlada Somalia Cabdixakiim Xasan Ibraahim iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray dhowaan dalka Kuwait ayaa heshiis iskaashi la saxiixday dhigiisa dalkaas.

Kadib kulan shaqo oo si qoto dheer loogu lafa guray iskaashiga labada Wasaaradood ee dhinacyada manaahijta diiniga, dhismaha iyo dayactirka Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto ayaa waxay labada Wasiir qalinka ku duugeen Heshiis Iskaashi oo labada Wasaaradood u dhexeeya.

Xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait ayaa sii xoogeysanaya iyadoo tani ay daliil u tahay booqashooyinka isdaba jooga ahaa ee wafuud Soomaaliyeed oo heer Wasiir ah ay ku tageen dalka Kuwait todobaadyadii la soo dhaafay.

Saxiixa Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa, isla markaana soo qaban qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Kuwait,  iyadoo ay goobjoog ahaayen Sii hayaha Safaaradda Abiib Muuse Faarax iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kinshaasa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay dalka Qadar (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiye Waaxeed caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---