Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka qaar ka mid ah dadkii xalay lagu laayey degaanka Bariire oo Muqdisho la keenay (Daawo Sawirro)

Meydadka iyo dhaawacyada qaar ka mid ah dad shacab ah oo ay laayeen ciidamo xalay howlgal ka sameeyay gobolka Sh/hoose ayaa maanta la keenay Magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa ka dhacay tuulooyin ku dhow degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose, waxaana ciidamada fuliyey ay isugu jireen Soomaali iyo Maraykan la socday dayuurado Helicobter ah.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay dad tuulo joog ah oo ka kala cararay markii ay arkeen dayuuradaha ay wateen, iyagoo markii ay dhulka u soo degeena laayey dad shacab ah oo ay nolosha ku qabteen, waxaana sidoo kale jiray duqeymo loo geystay goobo la tuhunsan yahay.

Wararka waxay sheegayaan in dadkii ku geeriyooday duqeyntaas shan ka mid ah meydadkooda la dhigay qeybta meydadka Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho, waxaana la socda Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada toogashada fuliyay ayaa dadka deegaanku waxay sheegeen in ciidanka kale ee la socday ay ka codsadeen in dadkan aan la dilin oo ay shacab yihiin balse cidna kama yeelin sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah iyo saraakiil ciidan.

Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaanan weli ka hadlin howlgalkan balse afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa sheegay in goobaha la weeraray ay ahaayeen saldhigyo ay Al-Shabaab lahaayeen, lana baarayo wararka sheegaya in dad shacab ah uu khasaare soo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faha faahino kasoo baxaya Sargaal katirsan Al Shabaab oo lagu dilay weerar qorsheesan

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo caawa la xisaabtamay maamulada afar degmo ammarana siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

War-Saxaafadeed xasaasi ah oo ka soo baxay Xukuumada federaalka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali