Shil fool-xun oo ka dhacay gobolka Nugaal & dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Wararka naga soo gaaraya degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay shil gaari oo aad u fool xun.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii ay fooda is dareen gaari candho-meydle ah oo xawaare sare ku socday iyo gaari kale oo nooca raaxada ah.

Gaariga candho-meydlaha ah ayaa la sheegay in dul maray gaariga yar uuna si fool xum ugu fariistay sida ka muuqata sawirada hoose.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay, mid kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray shilkan, kuwaasoo dhamaantood la socday gaariga ee lagu dul fariistay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in shilka ka dib ay adkaatay in meydadka laga saaro gaariga yar gudihiisa, saacado badan ka dibna laga soo bixiyey gaariga meydad aan la eegi karin oo goo’goo’ay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -