Ceeryaamo Sabab u noqotay in hal wado shil ku galaan 60-gaari !! (Daawo Sawirada)

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahiyay Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday shilal gaari oo ka dhacay wado kutaala gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, shilalkan ayaana la sheegay in sabab u ahaayeen ceeryaamo hawada qarisay.

In ka badan 60 gaari oo isugu jiray kuwa yar yar iyo kuwa waa weyn ayaa iskula dhacay wado mashquul badan, waxaana shilalkan ku dhaawacmay in ka badan 30-qof oo la dhigay xarumaha caafimaadka.

Ciidamada booliiska gobolka Virginia ayaa sheegay in shilkan gaadiid u maleenayaan in ay sababeen ceeryaamo hawada qarisay iyo baraf da’ay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano shilalkan ku aadan.

Muuqaalo lagu baahiyay Telefishinada iyo baraha bulshada ayaa laga arkayay gaadiid badan oo madaxa  iskula jira iyo kuwa si xoogan isugu dhacay, waxaana la arkayay hal wado kaliya oo baabuur badan iskula dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -