Madaxweyne Deni oo ka hor yimid Magacaabista Xubnaha guddiga adeegga Garsoorka

Madaweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka horyimid ansixinta golaha wasiirada xubnaha adeega Garsoorka iyo Hay’adda Patroolka oo dhowaan uu meel mariyey golaha Wasiirada xilka sii haya ee xukuumada Somalia

Isagoo ka hadlayay xaflada sanad guurada 22aad ee aasaaska Puntland ayuu sheegay Deni in Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha uu soo magacaabi doono howsha u taala waa iney ka shaqeeyaan taasoo ah sidii dalka doorasho uga dhici lahayd oo aysan isku mashquulin wax kale.

“Waxaan u baanhanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah, kuwa horaa u sheegay ma rabo inaa ku noqdo kuwa hada cusub waxaa ka mid ah, xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday waxay saxiixeen golaha adeegga garsoorka oo ah qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya, hey’ada 3aad aas aaska u ah sharciga oo uu ka dhalan doono maxkamadda dastuuriga ah, sida sharci darada loo maray iyagoo awood laheyn inay ansixiyaan”

Madaxweynaha Puntland ayaa uga digay hay’adaha iyo shirkadaha caalamka iney heshiisyo la galaan dowlada iyadoo aan heshiis lagu ahayn qeybsiga kheyraadka Soomaaliya.

Ansixinta golaha wasiirada ee xubnaha Adeega Garsoorka waxaa sidoo kale ka hor yimid Ururada bulshada Rayidka iyo madasha Xisbiyada Qaran oo sheegau in xukuumad aan kalsooni ka heysanin baarlamanka aysan awood u laheyn iney magacawdo xilal iyo guddiyo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -