Ruushka oo helay talaal dunida laga baadi goobayo iyo walaac laga muujiyey

Ruushka ayaa sheegay iney iisu diyaarinayaan olole tallaal oo ballaadhan oo ku saabsan Coronavirus oo bisha Oktobar dalkaasi laga fulinayo.

Wasiirka Caafimaadka Ruushka Mikhail Murashko ayaa sheegay dhakhaatiirta iyo macallimiinta in tallaalka ugu horreeya lagu billaabayo.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo wareedyo ay shaacin ayaa sheegtay in tallaalka Ruushka uu ku guuleystay si rasmi ah bishan loo ansixin doono.

Hase yeeshee, khubarada qaar waxay walaac ka muujiyeen Ruushka orodka u uugu jiro inuu noqdo dalka ugu horreeyey ee tallaaka Covid-19 soo saara.

Jimcihina, Khabiirka sare ee cudurrada faafa ee dalka Mareykanka, Dr Anthony Fauci, wuxuu sheegay inuu rajeynayo Ruushka iyo Shiinaha iney tallaalka si dhab ah u tijaabinayaan ka hor inta ay cidna kaga hormarin.

Dr Fauci wuxuu sheegay Mareykanka inuu dabayaaqada sanadkan uu soo saarayo tallaal lagu kalsoonaan karo waxtar leh”.

“Ma aaminsanin iney jiraan tallaal ay waddama kale soo saareen oo uu waddankeenna ku tirsanaan karo oo ay tallaal ahaan noogu keeni karaan” ayuu yiri Dr Fauci mar uu sharci dajinta dalka Mareykanka la hadlayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -