Tiktok oo si adag uga jawaabtay hanjabaaddii kaga timid Madaxweyne Trump

Tiktok ayaa si adag uga jawaabtay hanjabaaddii Madaxweyne Trump ee ahayd inuu ka mamnuucayo dalka Mareykanka.

Trump ayaa ku sababeeyay go’aankan walaac laga qabo in barta ay macluumaadka gaarka ah ee dadka reer Mareykan la wadaagto dowladda Shiinaha.

Vanessa Pappas oo ah maamulaha guud ee TikTok ayaa sheegay in bartan ay dalka Mareykanka ka haysato maalaayin taageero u ah oo isticmaala, isagoo meesha ka saaray eedeymaha sheegaya iney xiriir la leeyihiin dowladda Shiinaha.

Madaxaweyne Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo app-ka TikTok oo muuqaalada lagu baahiyo. Waxa uu weriyaasha u sheegay inuu saxiixayo amar sare oo khadka looga saarayo barta.

App-kan oo uu isticmaalkiisu xawaare ku socdo ayaa waxaa isticmaala 80 malyan oo reer Mareykan ah, waxayna mamnuucidda TikTok saameyn weyn ku yeelan doontaa shirkadda ByteDance ee iska leh bartaasi.

Tallaabadan lagu mamnuucayo TikTok ayaa imaneysa xilli uu sii adkaanayo xiriirka u dhaxeeya maamulka Trump iyo dowladda Shiinaha iyagoo isku haya qodobo dhowr ah oo ay ay ka mid yihiin khilaafka dhanka ganacsiga iyo cudurka Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -