Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Soomaaliya oo looga digay Faragelin ay ku heyso maamulka Jubbaland

Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doortay magaalada Kismaayo ayaa uga digay Xukuumada Soomaaliya Faragelin uu sheegay in ay ku heyso maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay Iftin Baasto in uu kamid yahay Senetarada laga soo doortay Jubbaland kuna matala Baarlamaanka, waxa uuna cadeeyay in uusan aqbaleyn faragelin ay Xukuumada ku heysyo maamulka Jubbaland.

Iftin Xasan Baasto ayaa uga digay Xukuumada Soomaaliya faragelinta qaawan ay ku heyso maamulka Jubbaland, isagoona cadeeyay in aysan aqbaleyn faragelin iyo bur burin lagu sameeyo maamulka Jubbaland oo dhismihiisa dhib badan laga soo maray.

”Waxaa leenahay Xukuumadda Soomaaliya ha iska ilaaliso dul duleedaha faraha badan iyo doc faruurka ay wado, marna ma ogolaaneyno hadaan nahay Xildhibaanada matala Jubbalabd faragelin wax burburin ah”ayuu yiri Iftin Xasan Baasto.

Waxa uu sheegay Iftin Baasto in Xukuumada Soomaaliya aysan hal Mashruuc xitaa ka fulin deegaanada Jubbaland, waana nasiib daro in maanta Xukuumada faragalin iyo wax aan loo dulqaadan karin ku mashquusho.

Qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Dowlada Fedeeraalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo kala dhax galay khilaaf ka dhashay taageero ay mar kale u muujiyeen dowlada Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo fariin adag u diray Dowladaha Turkiga, Qatar iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Af-gembi saakay ka dhacay dal kuyaalla Afrika iyo Natiijo Doorasho Madaxweyne oo la laalay

Cabdi Cade

Dowlada Canada oo dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---