Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah oo xalay laga fuliyay Deegaanka…

Ciidamada Kumaandooska Dowlada Soomaaliya ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay howlgal ka fuliyeen Deegaan u dhaxeeya Degmada Afgooye iyo Bariiri.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa watay diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca, waxa ayna ciidankan howlgalka xoogiisa ka fuliyeen deegaan ku dhaw Bariire oo lagu magacaabo Macalinka.

Dadka ku dhaqan deegaanka Macalinka  ayaa ku waramaya in ay maqlayeen rasaas xoogan iyo qaraxyo ay u maleenayaan in ay ahaayeen duqeyn, waxa ayna sheegeen in howlgalka dhacay xalay Saqdii Dhaxe xili ay dadku jiifeen.

Warbaahinta afka Al Shabaab taageerta ayaa qortay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay dileen shan qof oo beeraley ah kuwaa oo la socday gaari Cagaf cagaf ah oo waday Qudaar sida ay sheegeen.

Dowlada Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan wali ka hadlin howlgalkan xalay ciidamada wada jira ka fuliyeen Deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidankan horey howlgalo kala duwan uga fuliyeen degmooyin iyo deegaano katirsan Sh/ Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta safaro uga baxaya Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ka dhawaajiyay Hadal aan looga baran si ula heshiiyo Mareykanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Taliyaasha Booliiska Puntland Amarna siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade