Allbanaadir.com
NEWS

Af-gembi saakay ka dhacay dal kuyaalla Afrika iyo Natiijo Doorasho Madaxweyne oo la laalay

Wararka ka imaanaya dalka Gabon ayaa sheegaya in saakay dalkaasi ka dhacay af-gambi milatari, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii madaxweynaha ee dhacday uu mar kale ku guuleestay madaxweyne Ali Omar Bongo.

Saraakiil katirsan milatariga dalka Gabon ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen talada dalkaasi, waxa ayna saraakiishan laaleen meeshana ka saareen natiijada doorashada uu mar kale saakay ku guuleestay madaxweynaha dalkaasi.

Telefishinka Qaranka dalka Gabon oo ay kasoo muuqdeen saraakiisha milatari ayey ku shaaciyeen in xilka laga tuuray madaxweynaha, waxa ay sidoo kale saraakiishan  sheegeen in lakala diray hayádihii dowladda lana xiray xuduuda dalkaasi.

Guddiga doorashada madaxweynaha dalka Gabon ayaa saakay hore ku dhawaaqay in doorashadii dhacday uu ku guuleestay madaxweyne Ali Omar Bongo oo helay 64.27%  codadkii doorashada ee la dhiibtay.

Magaalada Libreville ee caasimadda dalka Gabon ayaa saakay laga maqlay rasaas iyo qarax weyn, waxaana magaalada wali ka jirta xaalad hubanti laáan , waxaana goobaha qaar lagu arkayaa ciidamo milatari ah.

Madaxweynaha dib loo doortay xilkana saakay ka tuureen milatariga Gabon Ali Omar Bongo ayaa talada dalkaasi hayay muddo 14-sanno ah, waxaana mar kale shacabka dalkaasi u doorteen in uu sii hoggaamiyo sannado kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo Maxkamad looga yeeray (Akhriso)

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidanka XDS iyo AMISOM (Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta ka bad baaday isku day lagu doonayay in lagu dilo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---