Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo fariin adag u diray Dowladaha Turkiga, Qatar iyo Itoobiya

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta fariin adag u diray sadex kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh dowlada federaalka Soomaaliya kana taageera dhinacyo kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa carabka ku dhuftay dowlada Turkiga, Qatar iyo Itoobiya oo kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca Ciidamada iyo sidoo kale dhaqaalaha , waxa uuna ugu baaqay dowladahaasi in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada federeaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada Turkiga u tababarto dowlada federaalka loo adeegsanayo bur burinta dowlad goboleedyada, waxa uuna ugu baaqay dowlada Turkiga in ay ka fiirsato ciidamada ay dowlada u tababareyso.

“Qatar waxaa leenahay Lacagta bixineyso jooji oo dhibaatada dalka ku ah, Turkey ciidanka tababareyso jooji dowlad wax lagu aamino ma joogto, Itoobiya waxaa leenahay Saraakiishada dhaqanka xun ee socsocota jooji,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaan wax eedeyn ah u jeedin dowlada Kenya ee xiriirka dhaw la leh maamulkiisa xili Kenya faragalin muuqata ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Jubbaland .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo la dardaarmay guddi maanta shaqo bilaabay oo loo xilsaaray..(Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo kaalin aan wanaagsaneyn ka gashay liiska xorriyadda saxaafadda Caalamka

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay dad horey loogu xirxiray afgembigii fashilmay ee Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---