Sii hayaha cusub ee Raisul Wasaaraha oo Wareegtadii ugu horeysay soo saaray (Akhriso)

Sii hayaha cusub ee xilka RW Somalia ahna raisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa xilkiii ka qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska Raisul Wasaaraha Axmed Nuur Max’ed Cabdi.

Wareegto caawa ka soo baxday xafiiska Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale xilkaas waxaa si KMG ah loogu magacaabay C/risaaq Xuseen Aadan.

Lama sheegin sababta keentay xil ka qaadistan balse Axmed Nuur Max’ed Cabdi ayaa ka mid ahaa xubnihii sida aadka ah ugu dhowaa Raisul wasaare Khayre oo maanta gudoonku baarlamanku sheegay in kalsoonida lagala laabtay.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -