(Akhriso) Sida loogu tuntay qodobka 69aad ee loo cuskaday Xil-ka qaadista Khayre

Guddoonka Baarlamanka ayaa shaaciyey maanta in golaha shacaku uu kalsoonida kala laabtay Xukuumadda Somalia ee uu hogaamiyo Khayre oo uu ku eedeeyey inay ku fashilantay qabashada doorashada guud, federaalaynta iyo qodobo kale.

Waxaa uu saacad gudaheed ku shaaciyey in RW khayre laga qaaday xilka, ka dib mowshin laga keenay, ayna u codeeyeen arrintaas ku dhowaad 170 Xildhibaan, iyadoo aaney dhicin dood Baarlamanku ka yeeshay kalsooni kala noqoshada iyo fursad loo siiyey Xukuumada iney isdifaacdo taasoo khilaafsan qodobada dastuurka ee dhigaya habraaca loo marayo xilka qaadista Raisul Wasaaraha, waxaana arrintan ka dhashay Su’aalo dhinaca sharciga ah.

Mursal ayaa xilka ka qaadista Khayre u cuskaday Qodobka 69-aad ee dastuurka kaasoo u qora sidatan hoose.

Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah

1-Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah:

(a) Inuu ansixiyo, wax-ka-beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

(b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.

2-Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda:

(a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka;

(b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka;

(c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;

(d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1;

(e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku- xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha.

Qodobka 2-aad faqradiisa (C) ayaa dhigaya in Xukuumaddu xaq u leedahay in loo yeero oo ay soo hor istaagto Baarlamanka, kana hadasho waxa loo haysto, iyadoo markaa kaddib ay iman karto in codka kalsoonida loo qaado, kuwaasoo aan dhicin sida ku cad faqrada (d) & (e) ee isla qodobka 69aad.

Siyaasiyiin badan iyo dadka falanqeeya siyaasada Somalia ayaa u arka in xilka ka qaadista Raisul wasaaraha aan la waafajinin qodobada dastuurka, ayna u muuqatay iney u dhacday sidii afgembi oo kale, iyagoo ku sifeeyey tii ugu deg dega iyo yaabka badneyd ee xilka looga qaado Raisul Wasaare Soomaaliyeed oo xil haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -