Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Muxuu Tedros Adhanom kaga jawaabay eedeyntii kaga timid dowlada Itoobiya?

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa beeniyay eedeymo uu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada militeriga Itoobiya kaasoo sheegay inuu TPLF ka caawiyay hubka ay kula dagaalamayaan ciidamada Itoobiya.

“Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waxaana sheegayaa in aniga aan taageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda” ayuu yiri Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Tigray inay wadahadal ay ku soo afjaraan xiisadda si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaarsiiyo shacabka.

Dr. Tedros ayaa kasoo jeedaa qowmiyadda Tigreega, wuxuuna ahaa wasiirkii Caafimaadka ee Maamulkii TPLF, isagoo sidoo kalena mar noqday Wasiirka arrimaha dibeda.

Taliyaha ciidamada xooggaItoobiya Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Burcad badeed Markab ku heysata Somalia oo dalbaday..

Caydiid Ali

Guddiga doorashooyinka oo soo saaray Habraaca diiwaangelinta Xisbiyada

Caydiid Ali

Guddoomiye Madaale oo shaaciyey go’aan ka nixiyey Shaqaalaha G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---