RW hore ee Soomaaliya oo goor dhow ka hadlay xilka ka qaadista lagu sameeyey

Ra’iisul Wasaarihii Somalia Xasan Cali Khayre ayaa aqbalay xilka qaadis maanta gudoonka baarlamanku sheegay in lagu sameeyey isaga iyo xukuumadiisa.

Kheyre oo goordhow warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa caddeeyay inuu baneeyay xilka uuna u mahad celinayo Xukuumaddii la soo shaqeeysay mudada saddexda sano iyo barka aheyd ee la soo dhaafay.

Waxaa uu intaas ku dray in xilka laga qaaday loo maray waddo aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana hareermarsan dastuurka dalka.

Wixii ka dhacay Golaha Shacabka ayuu sheegay iney aheyd sharci-darro isla markaana aan loo marin hab-raaca saxda ah ee xil ka qaadista xukuumadda.

Waxa uu ku adkaystay in xil ka qaadistiisa aysan xitaa ku jirin ajandihii kulanka Golaha Shacabka balse uu hadda qaatay in uu iscasilo isaga oo sida uu sheegay u turaya dalka isla markaana aan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato.

“Aniga oo og in waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci-darro, aan loona marin hab-raacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, aniga oo og in aanay ku jirin ajendaha, aniga oo og in aan laga doodin, aniga oo og inaan loo codeyn, aniga oo og in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, haddana waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay,” ayuu yiri mudane Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intaasi ku daray inuu doonayo inuu tusaale u noqdo umadda: “Aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed…mid dhaqaale, amni iyo bulsho ayaan sida ummadda Soomaaliyeed igu baratay, waxaan u noqonayaa tusaale, inaan marna halkan xukun u joogin laakiin aan u joogay inaan shacabka Soomaaliyeed u adeego,”

waxaa uu ku adkaystay in muhiimaddiisu ay tahay in dalka la badbadiyo “Dalkan rajo ayaan ka leenahay kulligeen, dalka ayaa kulligeen innaga weyn, cid waliba waa in ay aqbashaa in dalka loo turo, maanta waa maalinteydii aniga ayaa u turay dalka.” ayuu yiri RW Khayre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -