Dil galabta ka dhacay Goof Dalxiis loo tago oo kuyaala Degmada Dayniile

Wararka aan ka heleyno degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in galabta fal dil ah uu ka dhacay goof inta badan dalxiis loo tago sidoo kale sawirro kusoo galaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa noo shegay in ciidamada amaanka Degmada Dayniile xabad ku rideen gaari nuuciisa lagu sheegay Noah oo si xowli ah kusoo galay halka laga galo goofka, waxaana ciidamada la sheegay in gaarigaasi uga shakiyeen in qarax uu waday.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in rasaasta lagu riday gaariga xowliga ku socday uu ku dhintay nin saarnaa, waxaana gaariga markii baaritaano lagu sameeyay laga waayay waxyaabaha qarxa iyadoona darawalkii waday gaarigaasi xireen ciidamada amaanka.

Goobjoogaha la hadlay Shabakada Allbanaadir ayaa noo sheegay in suurto gal tahay in darawalka gaariga uu ka waayay bareeg sidaasna gaariga goobta kusoo galay, waxaana xiliga falkan dhacayay goofka ku sugnaa dad badan oo dalxiis iyo damaashaad u tagay.

Degmada Dayniille ayaa noqotay meel mudooyinkii dambe soo jiidaneysay indhaha dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxa ayna Dayniile noqotay meel maalmaha nasiinada dalxiis iyo damaashaad u tagaan dadka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -